Dowladda Mareykanka ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah u xaqiijisay in ciidamadeedu ay isaga baxeen saldhigga milatari ee Baledogle, oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoose, kaddib markii uu xumaaday dhabaha diyaaradaha ee saldhigga, dayactirkiisuna u baahday tobannaan milyan oo doollar.
Taliye ku-xigeenka Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), Jeneraal John Brennan, ayaa sheegay in xaaladda dhabaha diyaaradaha ay sii xumaanaysay, ilaa heer ay khatar noqotay in diyaaradaha milatariga lagu dejiyo garoonka.
“Dhabaha diyaaradaha ee garoonka ayaa sii xumaanayey ilaa ay khatar noqotay in diyaarado halkaas lagu dejiyo,” ayuu yiri Brennan, isaga oo intaas ku daray in Mareykanku uu sii wadi doono taageerada milatari ee uu siiyo ciidamada Soomaaliya.
Xaqiijintan ayaa timid maalmo kaddib markii wargeyska Mareykanka ee Stars and Stripes uu baahiyey in dhammaan ciidamada Mareykanka ay ka baxeen saldhigga Baledogle, oo qiyaastii 96 kiiloomitir waqooyi-galbeed kaga beegan Muqdisho.
Baledogle ayaa muddo dheer ahaa xarun muhiim u ah howlgalada Mareykanka ee Soomaaliya, gaar ahaan ururinta xogaha sirdoonka, taageerada duqeymaha cirka iyo tababarka ciidamada Soomaaliya ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.
Bixitaanka ciidamada ayaa isbeddel weyn ku ah joogitaanka milatari ee Mareykanka ee saldhiggan, xilli sannadkii hore uu Washington maalgelinaysay dhismaha xarumo caafimaad, hoyga ciidamada iyo xoojinta amniga saldhigga, si uu u noqdo xarun muddo dheer loo adeegsado howlgalada milatari.
Joogitaanka ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa soo maray isbeddello kala duwan. Dhammaadkii 2020-kii, madaxweynihii xilligaas Donald Trump ayaa amray in dalka laga saaro ku dhowaad 700 oo askari oo Mareykan ah, hase yeeshee bishii May 2022-kii ayuu madaxweynihii xigay Joe Biden dib u soo celiyey boqolaal askari, si loo xoojiyo taageerada ciidamada Soomaaliya iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Inkasta oo Mareykanku xaqiijiyey bixitaanka ciidamadiisa Baledogle, haddana wuxuu caddeeyey in taageerada milatari ee uu siiyo Soomaaliya ay sii socon doonto.
