Booliska Mareykanka ayaa sheegay in hal qof lagu dilay, afar kalena lagu dhaawacay weerar toogasho ah oo ka dhacay magaalada Washington, halka ninkii weerarka geystay la qabtay.
Ku-simaha taliyaha booliska Washington DC, Jeffrey W. Carroll, oo shir jaraa’id ku bixiyay xog hordhac ah, ayaa sheegay in boolisku heleen warbixin ku saabsan toogasho dhacday wax yar ka hor 8:00 subaxnimo ee saacadda maxalliga ah.
Carroll, ayaa sheegay in hal qof uu ku dhintay toogashada, halka afar kale-na oo midi dhaawac halis ah uu qabo isbitaalka la dhigay halka saddexda kale aysan u muuqan kuwo halis ah.
Ku-simaha taliyaha booliska ayaa sheegay in rasaas laga maqlay dabaqa toddobaad ee dhismaha, halkaas oo tuhmanuhu isku go’doomiyay, waxaana halkaasi gaaray saraakiisha boolisku waxayna halkaas ka heleen tuhmanaha oo qaba dhaawac rasaaseed.
Taliyaha booliska ayaa sheegay in ninka tuhunsan yahay uu yahhay nin caddaan ah, booliskuna waxay hayaan xog ku saabsan qofka uu yahay. waxaana intaasi ku daray in tuhmanaha la tuhunsan yahay inuu isagu is toogtay.
Siddoo kal Afhayeen u hadlay booliska Washington DC ayaa sheegay in ninkii looga shakiyay inuu toogashada geystay uu dhintay.
Boolisku ma aysan xaqiijin sababta dhimashadiisa.
Shir jaraa’id oo ay mas’uuliyiintu qabteen dhowr daqiiqo ka hor ayay ku sheegeen in tuhmanuhu u muuqdo inuu qabo dhaawac rasaaseed oo uu isagu isu geystay.
