Friday, November 13, 2026

Senatarka Ismaamulka Mandera si kulul u dhaliilay RW Itoobiya Abay Su’aal-na Geliyay Abaalmarinta Nobel Prize Ee la…

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Senatarka Ismaamulka Mandera, Ali Ibrahim Roba, ayaa si kulul u dhaliilay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, isaga oo su’aal geliyay Abaalmarinta Nabadda ee Nobel Prize ee la guddoonsiiyay, xilli dalka Itoobiya ay ka socdaan colaado iyo dagaallo ka jira gobollo kala duwan

Roba ayaa sheegay in Abiy Ahmed uu haysto abaalmarinta nabadda, balse shacabka Itoobiya ay weli la tacaalayaan amni-darro, barakac iyo colaado soo noqnoqday, kuwaas oo ay ka mid yihiin dagaallada Tigray, Amxaarada, Oromia iyo iska horimaadyada xuduudaha Soomaalida iyo Oromada.

Waxa uu si gaar ah uga hadlay colaadda ka taagan Moyale, isaga oo dowladda federaalka Itoobiya ugu baaqay inay si degdeg ah u joojiso dagaallada, ilaaliso shacabka, baaritaan madax-bannaan ku samayso eedeymaha ku saabsan ku lug lahaanshaha ciidamada amniga.