Sunday, November 15, 2026

Villa Somalia oo war cusub ka soo Saartay Shirkada Madaxda DFS iyo Mucaaradka.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in ay socdaan xiriirro lala yeelanayo dhinacyada lagu casuumay gogosha Wadatashiga Qaran ee uu fidiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo lagu guda jiro diyaar-garowga shirka.

War-saxaafadeed ay Madaxtooyadu soo saartay maanta, 14-ka Nofeembar 2026, ayaa lagu sheegay in gogosha wada-tashiga, oo la shaaciyay 26-kii Oktoobar, la filayo in dhawaan la furo.

Dhanka kale, xubnaha mucaaradka ayaa weli ka biyo diidan ka qaybgalka shirka, iyagoo dalbanaya in wada-hadallada ay dhexdhexaadiyaan dhinac saddexaad oo beesha caalamka ah, si loo helo hannaan ay ku wada qanacsan yihiin.

Dib u dhaca ku yimid kulanka ayaa imaanaya iyadoo dhinacyadu ay kulamo gaar gaar ah ka wadaan Muqdisho, kuwaas oo looga hadlayo sidii looga gudbi lahaa khilaafka taagan loona bilaabi lahaa wada-hadallo rasmi ah.