Monday, November 16, 2026

Dowladda Mareykanka Oo Shaacisay Inay Somaliya Dib Ugu soo Celinayso Taageeradii Millateri

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Dowladda Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in ay Soomaaliya u soo celinayso taageerada millateri, iyada oo ka laabatay go’aanno ay horey ugu dhintay kaabista & maalgelinta amniga Soomaalida ka dib haliso amni oo soo wajahay Gobolka Geeska Afrika, sida ay qortay wakaaladda AFP.

UNSOS oo qaabilsan taageerada saadka iyo howlgalada ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya, ayaa waqtigooda ku ekaa dhammaadka December sanadkan, balse Mareykanka ayaa hadda oggolaaday in la cusbooneysiiyo muddo hal sano ah, taasoo taageerada gaarsiinaysa dhammaadka December 2027.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in go’aankan looga gol leeyahay xoojinta amniga Soomaaliya iyo ka hortagga in dalka uu isu beddelo xaalad amni oo saameyn ku yeelata guud ahaan gobolka.

Mareykanka ayaa horay u hakiyay maalgelinta howlgaladan, isagoo sabab uga dhigay horumar la’aanta dagaalka Al-Shabaab iyo khilaafaadka siyaasadeed ee dalka

Tan ayaa ka dhigan in DFS heleyso taageero dhaqaale oo ku wajahan amniga muddo sannad ah, xilli xiisado amni ka dhasheen xil-haynta dowladda, iyada oo ciidamada dalalka Afrika ee bixista bilaabay ay hadda beddeli karaan go’aan kooda.