Heemaal News Network

Kamala Harris Oo si Adag Uga Hadashay Weerar Israa’il fulisay

Ciidamada Israa’iil ayaa shalay duqeyn culus ku garaacay iskuul kuyaalla magaalada Gaza ee dhulka Falastiin, waxaana duqeyntaasi lagu dilay dad ku dhaw 100-qof oo kamid ahaa dad shacab ah oo halkaasi ku barakacay .

Madaxweyne ku xigeenka dalka Mareykanka Kamala Harris, ayaa si kulul u cambaareesay duqeynta ay ciidamada Israa’iil ku laayeen dadka shacabka ah, waxa ayna Harris sheegtay in duqeynta iskuulka lagu beegsaday lagu dilay dad shacab ah.

Kama Harris ayaa ku baaqday in colaada magaalada Gaza la joojiyo iyo dilka dadka shacabka ah, waxa ayna ku baaqday in laga shaqeeyo xabbad-joojin laga gaaro dagaalka muddo sannad ku dhaw ee ka socda magaalada Gaza.

Duqeynta shalay Israa’iil ka fulisay iskuulka kuyaalla magaalada Gaza ayaa waxaa si kulul u cambaareeyay qaar kamid ah waddamada reer Galbeedka, waxa ayna Israa’iil sheegeen in dambi dagaal galeyso si dulmi ahna u dileyso dad shacab ah.

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeynta ay ku garaaceen iskuulka kuyaalla magaalada Gaza ku bartilmaameedsadeen kooxaha Xamaas iyo Islamic Jihad oo ay sheegeen in halkaasi degnaayeen, waxaana warkaasi beeniyay kooxda Xamaas.