Heemaal News Network

Maxkamadda sare Oo Xukun ku Riday Sargaal Dil u Geestay Sargaal kale

Maxkamadda sare ee ciidamadda qalabka sida, ayaa maanta xukun kasoo saartay xiddigle Maxamed Xasan Maxamed oo loo heysto inuu dilay Ex-Xiddigle Ridwaan Ibraahim Cabdullaahi oo milatariga ay kawada tirsanaayeen, falkaasi oo dhacay 12-kii i May ee sannadkaan.

Baaris dheer kadib xafiiska Xeer Ilaalinta ciidamada ayaa codsaday qaadista kiisaskan , fadhiyo kala duwan kadib, maxkamadda darajada koowaad ayaa xukun ka soo saartay 24-kii bishii May ee sannadkaan, balse xeer ilaalinta ayaa racfaan ka qaatay xukunkii lagu riday.

Lixdii bishaan August ayaa maxkamadda sare ee ciidamadda qalabka sida aqbashay dalabkii racfaanka, iyada oo waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda, ayaa ugu dambeyn maanta xukun ka soo saartay kiiskaan.

Xidigle Xoogga Maxamed Xasan Maxamed ayey maxkamadda sare ku xukuntay inuu bixiyo boqol neef oo geel ah oo ah magta marxuum Ex Xle Xoogga Rideaan Ibraahim Cabdullaahi iyo sidoo kale labo sano oo xabsi Ciidan ah.