Wednesday, November 18, 2026

Somaliland oo ka Hortimid Dhaliilaha Xasan Sheekh U Jeediyay Imaaraadka

by Heemaaln
2 minutes read
A+A-
Reset

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Khadar Xuseen Cabdi, ayaa si adag uga jawaabay hadallo uu Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, shalay ku duray dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta, ila markaana ku dhaliilay xidhiidhka ay Somaliland la leedahay Imaaraadka iyo doorka uu ku lahaa aqoonsiga Israa’iil siisay Somaliland.

Wasiir Khadar ayaa qoraal uu ku baahiyay barta X ku sheegay in Xasan Sheekh Maxamuud aanu awood u lahayn inuu Somaliland casharro ka siiyo xidhiidhka ay la leedahay Imaaraadka, isaga oo ku tilmaamay hoggaamiye ku guuldarraystay maamulidda dalkiisa, isla markaana madax ka ah dowlad uu sheegay inay iyaduna fashilantay.

Wasiirka ayaa sheegay in Imaaraadku door muuqda ka qaatay horumarka Somaliland, isaga oo tusaale u soo qaatay maalgashiga dekedda Berbera, waddooyinka, dugsiyada iyo kaabayaasha kale ee muhiimka ah ee uu dhisay.

Waxa uu intaas ku daray in Somaliland ay uga mahadcelinayso Imaaraadka “iskaashiga walaaltinimo” iyo taageerada joogtada ah ee uu la garab taagan yahay, isaga oo xidhiidhka labada dhinac ku tilmaamay mid wax ku ool u ah horumarka Somaliland.

“Xasan Sheekh Maxamuud waa inuu xoogga saaraa sidii uu gurigiisa u hagaajin lahaa, halkii uu ka faalloon lahaa iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland,” ayuu yidhi Khadar Xuseen Cabdi, isaga oo ka jawaabaya hadalladii madaxweynaha Soomaaliya.

Jawaabta Wasiirka Madaxtooyada Somaliland ayaa timid kaddib markii Xasan Sheekh Maxamuud khudbad uu shalay u jeediyey shacabka Soomaaliya uu Imaaraadka ku eedeeyey faragelin uu sheegay inuu ku hayo arrimaha gudaha Soomaaliya, isla markaana uu ku lug lahaa aqoonsiga Israa’iil siisay Somaliland. Waxa kale oo uu dhaliilay heshiisyada Imaaraadku la galay Somaliland ee la xidhiidha dekedda Berbera.

Hadalladan ayaa imanaya xilli uu sii xoogaysanayo khilaafka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Muqdisho iyo Abu Dhabi, kaas oo saamayn ku yeeshay xidhiidhkii labada dhinac, isla markaana ay Somaliland qayb ka tahay doodaha siyaasadeed ee ka dhashay aqoonsiga Israa’iil iyo iskaashiga ay la leedahay dalalka kale.