Wasaaradda Difaaca Türkiye ayaa sheegtay in maraakiib dagaal oo dheeraad ah oo ka tirsan ciidamada badda Turkiga ay ku biireen howlgalka ilaalinta maraakiibta Turkiga ee ka howlgala biyaha Soomaaliya, kuwaas oo qayb ka ah hawlaha shidaal-baarista iyo qodista shidaalka.
Maraakiibta ku biiray howlgalka ayaa kala ah TCG Göksu, TCG Gelibolu, TCG Gökçeada iyo TCG Yıldırım. Waxaa sidoo kale la socda markabka shidaal-qaadka TCG Yüzbaşı Güngör Durmuş iyo markabka ilaalada badda TCG Bartın.
Wasaaraddu waxay sheegtay in maraakiibtan ay si wadajir ah u galbinayaan una ilaalinayaan markabka qodista shidaalka ee Çağrı Bey iyo saddexda markab ee taageerada, Korkut, Altan iyo Sancar, kuwaas oo qayb ka ah hawlgalka shidaal-baarista ee Soomaaliya.
Markabka Çağrı Bey ayaa Soomaaliya u yimid si uu u fuliyo qodista ceelka Curad-1, kaas oo qayb ka ah dadaallada lagu sahaminayo shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee ku jira badda Soomaaliya. Hawlgalkan ayaa ah kii ugu horreeyay ee noociisa ah ee Türkiye ka fuliso meel ka baxsan dalkeeda.
Joogitaanka maraakiibtan ayaa qayb ka ah iskaashiga dhinacyada difaaca, amniga badda iyo tamarta ee Soomaaliya iyo Türkiye. Wasaaradda Difaaca Türkiye ayaa xaqiijisay in hawlgallada galbinta iyo ilaalinta maraakiibta ay u socdaan sidii loo qorsheeyay.
