Saturday, November 21, 2026

Qarax ka Dhacay Ciraaq Oo Gaystay Dhimasho iyo Dhaawac Badan

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay, 30 kalena way ku dhaawacmeen dab ka dhashay qarax ka dhacay warshad koronto oo ku taalla magaalada Basra ee koonfurta Ciraaq. Mas’uuliyiinta ayaa ka cabsi qaba in tirada dhimashadu ay intaas ka badato.

Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka Ciraaq, dhacdadu waxay ka dhacday warshadda korontada ee Haritha oo ku taalla waqooyiga magaalada Basra. Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Ciraaq, INA, ayaa sheegtay in shaqaalaha gurmadka dab-demiska ay goobta gaareen, isla markaana ay xakameeyeen dabka.

Mas’uuliyiintu waxay sheegeen inaan weli la ogeyn sababta keentay qaraxa iyo dabka, sidoo kalena aan la shaacin qiyaasta khasaaraha guud ee ka dhashay. Ilo dhinaca ammaanka ah ayaa sheegay in dabku uu ku fiday xaafado ku dhow warshadda, taas oo sababtay in la hakiyo howlihii ay warshaddu waday.

Saraakiisha ayaa sheegay in warshadda Haritha ay awood u leedahay inay soo saarto 800 oo megawatt oo koronto ah, balse ka hor dhacdada ay soo saari jirtay qiyaastii 400 oo megawatt.

Qaybta korontada ee Ciraaq ayaa muddo tobannaan sano ah la daalaa-dhacaysay maalgelin yari, dayactir la’aan iyo dhibaatooyin ka jira kaabayaasha dhaqaalaha. Dalka ayaa marar badan la kulma koronto la’aan muddo dheer socota iyo cilado ku yimaadda nidaamka korontada, gaar ahaan xilliga xagaaga oo baahida korontadu kororto.

Dababka iyo ciladaha farsamo ee ka dhaca xarumaha tamarta, saldhigyada korontada iyo warshadaha korontada ayaa horey u saameeyay sahayda korontada ee qaybo kala duwan oo dalka ka mid ah.