Thursday, April 16, 2026

Trump Oo Joojiyay Lacag Malayiin Dolar ah Oo Maraykanku ku Taageerayay Kaniisada Kaatooliga Kadib Dhaliishii Baadariga

by Heemaaln
1 minutes read

Trump ayaa joojiyay oo dib ula laabtay 11 milyan oo dollar oo maamulkiisa uu ku taageerray kaniisadda kaatooliga ee ku taal magaalada Miami, xilli ay jirto xiisad u dhexeysa Trump iyo Pope-ka guud ee kaatooliga ee Leo XIV, sida ay maanta baahiyeen wargeysyada Newsweek iyo Miami Herald.

Wargeysyadan, ayaa ku sheegay khilaafka kaniisadaha kaatooliga iyo Trump inuu salka ku hayo sharraxaad khaldan oo Trump u adeegsanayo baybalka oo lagu dagaal galinayo ciidanka Mareykanka , iyagoo loo sheegay inay u dagaallamayaan diintooda, loona baahanyahay inay u hijroodaan dhulalka ay tahay in la xorreeyo oo masiixiyada la gaarsiiyo,taa oo ay u arkaan masiixiyiinta arrin halis ku ah oo khatar galinaysa amniga guud ee caalamka.

Trump, ayaa waxaa kaloo uu meesha ka saaraya hoggaamiyeyaasha kaniidaha kaatooliga, isagoo dhisayo kuwa cusub oo danihiisa u adeegaya.

Golaha Wakiillada ee Maraykanka ayaa diiday dadaal ay sameeyeen xisbiga Dimuqraaddiga oo lagu doonayay in lagu xaddido awoodda Madaxweyne Donald Trump ee ku saabsan dagaalka uu ka wado Iran.

Tani waxay jab kale ku noqotay mucaaradka oo isku dayaya inay Kongareeska dib ugu soo celiyaan go’aannada la xiriira hawlgallada milatari ee Bariga Dhexe.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.