Heemaal News Network

Maxamed Bin Salman Oo Shaaciyey in Naftiisa ay Halis ku jirto

Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegay in naftiisa qatar ku jirto ka dib markii uu Horseed u noqday aqoonsiga iyo la Macaamilka Yuhuuda.

Maxamed Bin Salman ayaa u sheegay xubnaha Congresska Mareykanka in noloshiisa ay halis ku jirto sababtoo ah waxaa uu ka shaqeynayaa sidii uu u dhisi lahaa xiriirka Israiil iyo dalkiisa.

Sida uu qoray wargeyska Politico, Maxamed Bin Salman ayaa ka cabsi qaba inuu maro jidkii Anwar Sadat, Madaxweynihii 3aad ee Masar oo la dilay October 6, 1981 markii uu soo bandhigay hindise nabadeed oo lala galo Israel

Wuxuu ugu baaqay Sirdoonka galbeedka inay ka caawiyaan sidii sirdoonka dalkiisa loola socodsiin lahaa Qataraha ku soo fool leh isaga si looga hortago shirqoolada gudaha ee la doonayo in lagu qaarajiyo.