Heemaal News Network

Dowlada Ingiriiska Oo Raadineysa Xabsiyo ay ku Xirto Eedeysanayaal xir xiran

Dawladda Ingiriiska ayaa hawlgelisay tallaabooyin deg-deg ah, si ay u yarayso maxaabiista tirada badan si ay boos ugu hesho boqollaal qof oo loo xiray mowjado rabshado wata oo dhowaan dhacay magaalooyin katirsan dalkaasi.

Eedaysanayaasha la xir xiray bqaarkood ayaa sugaya in maxkamad la soo taago waqooyiga dalka England, maxkamadda kahor waxaa lagu hayn doonaa qolalka booliiska ilaa inta xabsiga laga helayo firaaqo ay wakhtiyadooda ku dhameystaan.

In ka badan kun qof ayaa loo xiray rabshadihii ka dhanka ahaa dadka soogalootiga ee horraantii bishan ka dhacay qeybo ka mid ah England iyo Waqooyiga Ireland, rabshadahaasi ayaana abuuray xaalad ammaan iyo cabsi lasoo daristay soogalootiga.

Dawladda Ingiriiska waxay ka digtay dhibaato xad-dhaaf ah oo ka dhacda xabsiyada ka hor inta uusan khalkhalku qarxin, waxa ayna hadda dowladda boosas ay ku xirto u raadineysa eedeysanayasaha ku xiran saldhigyo booliis.