Xoghayaha arimaha Dibedda Mareykanka Marco Rubio ayaa sheegay in Iran ay si cad ugu xadgudubtay dhammaan sharciyada caalamiga ah kadib markii ay weerar ku qaadday maraakiib ganacsi oo marayay marinka Hormuz.
Waxa uu sidoo kale tilmaamay in Iran ay tahay nidaam aan rumaysnayn sharci, xeerar iyo nidaamka caalamiga ah, isagoo ku sifeeyay inay tahay dowlad si rasmi ah u taageerta argagixisada.
Hadalkaan ayaa kuso beegmaya Xili mareykanka iyo israa’iil ay beegsanayaan dhamaan goobaha kaabayasha rayidka iyo goobaha waxbarashada iyo isbitaalada rayidka ee Iran.
Sidoo kale Mareykanka ayaa ku booriyay muwaadiniintiisa iyo shaqaalaha dowladiisa ee ku sugan Dalka Baxreyn iney ku nagaadaan meelaha ay joogaan ilaa amar dambe.
Mareykanku wuxuu sheegay in safaaradii Mareykanka ee ku taalay Caasimada Baxreyn ee Manama ay joojisey dhamaan adeegyadii caadiga ahaa, sida bixinta fiisaha iyo caawinta muwaadiniinta.

