Wednesday, April 8, 2026

Iran:-“Waxan Pakistan ku War-galinay Xadgudubyada Xabbad-joojinta ee Israa’iil ka Waddo Iran iyo Lubnaan.”

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran Abbas Araghchi ayaa sheegay inuu wadahadal telefoon kula yeeshay taliyaha ciidamada Pakistan, Asim Munir, ku war-galiyay xadgudubyada xabbad-joojinta ee Israa’iil ka waddo Iran iyo Lubnaan.

Sida lagu sheegay qoraal kooban oo Araghchi ku daabacay Telegram, wuxuu sidoo kale uga mahadceliyay Pakistan dadaalladeeda wax ku oolka ah ee lagu joojinayo dagaalka laguna xoojinayo nabadda iyo amniga gobolka.

Warkan ayaa imaanaya xilli xiisadaha Bariga Dhexe ay weli kacsan yihiin, iyadoo Israaiil weli wado duqeymaha iyo jebinta xabbad-joojinta.