Dowlada Faransiiska Oo Xaqiijisey Dhimashada Afar Qof Oo Tahriibayaal ah

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Dowlada Faransiiska ayaa xaqiijisey geerida afar qof oo tahriibayaal ah kuwaasi oo ku sugnaa xeebta Magaalada Calais, oo ay doonni ka raacayayeen iyagoo u socday dhinaca Ingiriiska.

Dadka geeriyoodey oo kala ahaa laba nin iyo laba dumar ah ayay qaadeen mowjado iyo hirarka badda ka hor inta aanay fuulin doonta, iyadoo la badbaadiyey 38 qof oo kale, sida uu xaqiijiyay sarkaal ku sugan Magaalada Calais ee waqooyiga Faransiiska.

Dadka isku dayaya iney Faransiiska uga gudbaan dhinaca Ingiriiska iyagoo Maraya kanaalka u dhexeeya labada dal, ayaa kordhay bilihii ugu danbeeyay iyadoo todobaadkii hore lagu badbaadiyay laba hawgal in ka badan boqol qof, halka ay laba qof oo kale ku geeriyoodeen.