Saturday, April 11, 2026

Israel Oo Rajaynaysa iney Burburiso Wadahadalada u Dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan.

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Wargeyska ISRL kasoo baxa ee Haaretz oo xiganaya ilo ISRLI ah ayaa ku waramay in masuuliyiinta ISRL ay filayaan in Wadahadaladu ay burburaan iyadoo aan heshiis la gaadhin.

Warbixinta waxaa lagu sheegay, hadii ay wadahadaladu burburaan in ISRL ay diyaarisey liiska goobo ay weerari doonto oo ku yaala gudaha Iiraan sida xarumaha tamarta iyo Warshadaha Petrochemical-ka.

Wargeysku wuxuu intaas ku daray in ISRL ay si dhow ula socoto horumarka Wadahadalada u dhexeeya Iiraan iyo Mareykanka ee ka socda Pakistan.