Beesha Caalamka oo si adag uga soo horjeesatay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed, War-Saxaafadeed kasoo baxay Qaramadda Middoobay Xafiiskeeda Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay in khilaafka lagu dhameeyo wada-xaajood
“Waxaan ka walaacsanahay saameynta ay xiisadaha sii kordhaya ku yeelan karaan xasilloonida, amniga, midnimada iyo xaaladda bini’aadantinimo ee Soomaaliya. Waxaan ku baaqaynaa in la isugu yimaado wadahadal miro-dhal ah, lagana fogaado tallaabo kasta oo keeni karta iska horimaad hubaysan”.
Dhinaca kale Madaxwaynaha Koonfur Galbeed ayaa loo doortay Laftagareen. Muddo saacado ayaa guddoon Barlaman ilaa madaxwayne lagu doortay. Laakin, waxay lamid tahay doorashoyinkii teendhoyinka ee Soomaliya. Intooda badan xildhibaanada waa lasoo xushaa, gobalada qaarna iyadoon ogoleyn, oo aan si caadi ah loo tartami ayaa laysku caanno shubaa. Ruwaaydi maalmaha la jilayay unbuu saacado ka dhigay.
Mw Laftagareen: “MW Xassan Shiikhow Lacagta aad noo dilayso cadadkeeda sheeg Soomaali baa naga bixinaysee, anaga Jubbaland hal mid ayaan nahay hal doorasho ayaana qabsanay midna waa diidi midna waa ka dagaalami ma aqaan caqligaas.”