Thursday, April 16, 2026

Somaliland oo ka Hadashay Safiirka ay Israel u soo Magacowday

by Heemaaln
1 minutes read

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Barkhad Batuun ayaa si rasmi ah u soo dhaweeyay safiir ay Israel u soo magacawday inuu u fadhiisto Somaliland. Tallaabadan ayaa ah mid si weyn u soo jiidatay indhaha siyaasadda gobolka, maadaama ay la xiriirto arrin diblomaasiyadeed oo xasaasi ah.

Safiirka cusub, Michael Lotem, ayaa la sheegay inuu yahay diblomaasi khibrad leh, waxaana soo dhaweyntiisa lagu tilmaamay mid ka tarjumaysa xiriir sii xoogeysanaya oo u dhexeeya Somaliland iyo Israa’iil.

Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay inay la shaqeyso dal kasta oo dan u arka iskaashi iyo horumar, isagoo xusay in xiriirrada caalamiga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo aqoonsiga.

Soo dhaweyntan ayaa imanaysa xilli ay sii kordhayaan dadaallada Somaliland ee ku aaddan raadinta aqoonsi caalami ah. Xiriir la yeelashada Israel ayaa loo arkaa mid istiraatiiji ah, maadaama Israa’iil ay tahay dal leh saameyn siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo caalami ah.

Dhanka kale, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa arrintaan si adag uga hortmid, iyadoo cambaareysay waxaana ay sheegtay in ay tallaabadaan tahay mid wax u dhimaysa madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya., maadaama dowladda federaalka ay u aragto Somaliland qayb ka mid ah dhulkeeda.

Waxaa sidoo kale la filayaa in iskaashiga Somaliland iyo Israa’iil uu diiradda saaro dhinacyada amniga, dhaqaalaha, tiknoolajiyadda, iyo maalgashiga. Arrintan ayaa Somaliland siin karta fursado cusub, balse sidoo kale waxay keeni kartaa caqabado siyaasadeed oo la xiriira aqoonsiga iyo xiriirrada gobolka.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.