Johnny Somali oo u dhashay dalka Maraykanka oo caro ka abuuray dalka Koonfurta Kuuriya kadib markii uu dhunkaday taallo ka tarjumaysa adoonsiga Galmada ee Dagaalkii Labaad ee Adduunka ayaa lagu xukumay lix bilood oo xabsi ah.
Maamulka Seoul ayaa ku soo oogay dacwad dadweyne bishii november ee 2024-kii ka dib markii uu daabacay muuqaal isaga oo dhunkanaya oo ku dheelaya qoob ka ciyaar taalada xilli uu booqasho ku joogay Kuuriyada Koonfureed. Waxaa laga mamnuucay inuu dalka ka dhoofo tan iyo markaas.
25-jirkaan magaciisa saxda ah yahay Ismael Ramsey Khalid, ayaa caan ku ah waxyaabaha kiciya bulshooyinka taas oo sababtay in laga mamnuuco dhowr goobood oo kamid ah baraha bulshada.
Waxaa sidoo kale lagu eedeeyay in uu dadka dhibaateeyay xilli uu u safrayay dalalka Japan iyo Israel.
Arbacadii maxkamad ku taal Kuuriyada Koonfureed ayaa Khalid ku xukuntay eedaymo badan, oo ay ku jiraan inuu ahaa qof dhib ku ah dadweynaha iyo inuu faafiyay been abuur.
“Eedaysanuhu wuxuu si isdaba joog ah u galay dambiyo ka dhan ah xubnaha aan la cayimin ee dadweynaha si uu faa’iido uga helo YouTube wuxuuna u faafiyay xogaha isagoo aan tixgalinayn sharciga Kuuriya,” ayay tiri maxkamaddu, sida ay sheegtay warbaahinta Kuuriyada Koonfureed.
Dacwad oogayaasha ayaa doonayey in lagu xukumo saddex sano oo xarig ah, laakiin garsoorayaasha ayaa ku riday xukun hoose iyaga oo tilmaamaya “in aysan meesha oolin dhibaato daran oo gaartay dhibanayaasha”, The Korea Herald ayaa werisay.
Khaalid ayaa sidoo kale laga hor istaagay in uu la shaqeeyo hay’adaha u adeega dadka aan qaan-gaarin iyo dadka naafada ah marka ugu dambeyn la sii daayo.
Khaalid, oo 5,000 oo taageere ku leh YouTube-ka, ayaa raaligelin bixiyay november 2024 isagoo sheegay “in uusan fahmin muhiimada taalada”. Laakiin dad badan ayaa shaki ka muujiyay daacadnimadiisa.

