Donald Trump ayaa sheegay in Iran ay oggolaatay inaysan yeelan doonin hub nukliyeer ah muddo ka badan 20 sano.
“Waxaan leenahay xiriir aad u wanaagsan Iiraan, arrintani waa wax aan la rumaysan karin…Iiraan waxay ku dhowdahay inay oggolaato wax kasta,waxaan arki doonaa sida arrimuhu u socdaan marka laga hadlayo la macaamilka Xisbullah.”
Waxay u muuqataa mid aad u wanaagsan in aan heshiis la gaari doonno Iran, wuxuuna noqon doonaa heshiis wanaagsan, heshiis aan lahayn hub nukliyeer ah…”
“Waxaan haynaa bayaan aad u xooggan, oo ah in ka badan 20 sano, aysan yeelan doonin hub nukliyeer ah,” ayuu yiri. “Aan runta sheegno, ma jiro xaddid 20 sano ah.” Weli kama aanan helin jawaab rasmi ah oo degdeg ah oo ka timid Iran

