Somaliya oo ku Hanjabtay inay Xidhi doonto Marinka Bab-el-Mandeb Haddii Israa’iil Joojin waydo Farogalinta.

by Heemaaln
1 minutes read

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Ethiopia Cabdillaahi Warfaa, ayaa ku hanjabay in ay xidhi doonaan marinka Baabuubul Mandab haddii ay Israel joojin waydo cilaaqaadka sii xoogaysanaya ee ay la wadaagto Somaliland.

Danjiraha oo soo qaatay kharirad ay si toos ah uga muuqdaan waddama Somaliland iyo Soomaaliya ayaa sheegay in ay tallaabadan xannibada ah qaadi doonaan haddii ay hawluhu noqon waayaan sida ay Soomaaliya doonayso.

“Dal kasta oo faragelin ku sameeya arrimaha gudaha ee Soomaaliya, isla markaana wax u dhimaya midnimadeeda dhuleed iyo madaxbannaanideeda, waxa uu la kulmi doonaa cawaaqib ay ka mid noqon karto xaddidaad lagu soo rogo isticmaalka marinka Bab-el-Mandeb” ayuu yidhi Danjire Warfaa.

Waxyaabaha u sahli kara Soomaaliya in ay qaaddo tallaabooyin noocaas ah waxaa ka mid noqon kara xoojinta cadaadiska diblomaasiyadeed, dhisidda iskaashi dhow oo ay la yeelato dalalka gobolka, iyo ka shaqaynta go’aanno ka soo baxa hay’adaha caalamiga ah si loo kordhiyo kormeerka ama loo saameeyo dhaqdhaqaaqa maraakiibta.

Waxa xusid mudan in Soomaaliya aanay shaqo ku lahayn Badda cas, Gacanka Cadmeed iyo meelaha u dhow Baabuul Mandab sidoo kalena ay ku kooban tahay badweynta Hindiya oo keliya taas oo dad badan ku noqotay la yaab iyo arrin su’aalo layska waydiiyey sida ay suurta galka ku tahay.

Ugu dambayn, dowladda Soomaaliya ayaa si guud u cambaaraysay tallaabada Israa’iil ee magacaabista safiirka, iyada oo ku tilmaantay faragelin cad. Dhanka kale, Somaliland ayaa si diirran u soo dhawaysay magacaabistaasi, iyada oo u aragta tallaabo diblomaasiyadeed oo muhiim u ah xidhiidhka caalamiga ah iyo raadinta aqoonsi rasmi ah.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.