Maraykanka ayaa xaalad degdeg ah kaga dhawaaqay ugu yaraan 20 gobol iyo Caasimadda Maraykanka ee Washington, kadib cimilada barafka oo isu bedeshay duufaan, iyadoo ay ku geeriyoodeen ilaa 10 qof.
Duufaan xooggan ee jiilaal oo saameysay Mareykanka ayaa la sheegay inay keentay qabow daran, koronto la’aan iyo carqalado dhanka gaadiidka ah dhammaadkii toddobaadka.
Bogga la socda duulimaadyada ee FlightAware ayaa muujiyay in qiyaastii 3,800 duulimaad la baajiyay Isniintii, halka 1,000 kale ay dib u dhaceen, iyadoo baraf culus iyo roob dhaxan wata ay weli ka da’ayaan waqooyi-bari mareykanka.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in in ka badan 10 qof ay ku dhinteen duufaanta. Magaalada New York, Duqa magaalada Zohran Mamdani ayaa sheegay in shan qof laga helay banaanka ayagoo meyd ah intii lagu jiray dhammaadkii toddobaadka.
Dhanka kale, website-ka poweroutage ayaa sheegay in ka badan 819,000 guri iyo ganacsi ay korontadu ka go’day Isniintii koofurta Mareykanka, halkaas oo duufaantu keentay roob dhaxan wata iyo heerkul aad u hooseeya.


Screenshot


Screenshot


