Saturday, April 18, 2026

Markab Xamuulka ah Oo lala Eegtay Walxaha Qarxa Meel u Dhaw Badda Cumaan

by Heemaaln
1 minutes read

Waxaan hadda helnay war cusub oo ka yimid ururka badaha UK ee (UKMTO) oo ku saabsan dhacdo ka dhacday meel qiyaastii 25 mayl dhanka badda ah u jirta waqooyi-bari ee Cuman.

Waxay sheegeen in markab xamuul (container ship) lagu dhuftay “walax aan la aqoonsan oo qarax ama gantaal u eg,” taas oo sababtay dhaawac soo gaaray qaar ka mid ah kunteendharada xamuulka ee saarnaa markabka.

Mas’uuliyiinta ayaa hadda baaritaan ku wada dhacdadan, sida ay sheegtay hay’addaUKMTO.

Iraan oo dib u furtay lix ka mid garoomada diyaaradeed

Maghsoud Asadi Samani, oo ah xoghayaha ururka shirkadaha diyaaradaha Iran, ayaa sheegay in garoomada diyaaradaha ee Imam Khomeini International Airport iyo Mehrabad Airport ee magaalada Tehran, iyo sidoo kale garoomada Mashhad, Birjand, Gorgan, iyo Zahedan dib loo furay.

Wuxuu sheegay in shirkadaha diyaaradaha ay isku diyaarinayaan inay bilaabaan duulimaadyo gudaha iyo kuwa caalami ah.

shirkadaha diyaaradaha ayaa sidoo kale la faray inay helaan oggolaanshaha lagama maarmaanka ah isla markaana ay la shaqeeyaan hay’adda duulista hawada ee Iran.

Horey, hay’adda duulista rayidka ayaa ku dhawaaqday in qayb ka mid ah hawada dalka iyo tiro ka mid ah garoomada diyaaradaha dib loo hawlgeliyay laga bilaabo maanta.

Iyadoo la raacayo go’aankan, marinnada hawada ee qaybta bari ee dalka ayaa loo furay duulimaadyada caalamiga ah.

Tan iyo bilowgii dagaalka 29-kii Maarso iyo weerarradii ay Israel iyo United States ku qaadeen Iran, hawada dalka ayaa si buuxda loo xiray.

Intii uu socday dagaalka, Israa’iil iyo Mareykanka ayaa bartilmaameedsaday dhowr garoon diyaaradeed oo ku yaalla magaalooyin kala duwan oo Iran ah.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.