Saturday, April 18, 2026

Senatoro Iyo Saraakiil Maraykan ah Oo ku Baaqay In Awood loo Adeegsado Iran

by Heemaaln
1 minutes read

Senator Lindsey Graham “Waa in Maraykanka iyo xulafadiisu ay muujiyaan awood ka dhana sheegashada Iiraan ee gacan ku haynta marin biyoodka Hormus.”

“Maamulka Iiraan maaha mid la aamini karo balanqaadyadiisa.”

Sidoo kale Masuul sare oo Maraykan ah ayaa Axios u sheegay haddii aan Wadahadalada horumar degdeg ah laga gaadhin in dagaalku uu maalmo gudahood dib u bilaaban karo.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa qabtay kulan wadatashi ammni ah oo ah ku saabsan Iiraan, kadib markii Iiraan ay kordhisey hanjabaadaha ka dhanka ah Mareykanka.

Afayeenka Aqalka Cad, Karoline Leavitt ayaa tidhi “Madaxweyne Trump wuxuu rajo wanaagsan ka qabaa in go’doominta baddeed ee la saaray Iiraan ay fududeyn doonto in la gaadho heshiis nabadeed.”

Si kastaba ha noqotee dadka Mareykanka 85% waxay aaminsanyihiin inuusan Trump ku guuleysan karin dagaalka Iiraan oo 40 maalin oo dagaal khasaare ah uu la galay Iiraan , kaasoo wax natiijo ah aan lagu gaarin, halka keliya 15% ay aaminsanyihiin yoolalka dagaalka inuu gaaray , sida lagu sheegay cod aruurin uu sameeyay wargeyska Politico.

Dhinaca kale Maraykanka ayaa cunaqabatayn saaray shan qof & hey’ado loo haysto in ay calooshood-u-shaqaystayaal Colombian ah galiyeen dalka Suudaan si ay qayb uga noqdaan taageerada Kooxda RSF, sida uu xaqiijiyey La-taliyaha Arrimaha Afrika ee MW Trump.

Dowladda Soomaaliya ayaa marar kala duwan hore u sheegtey in calooshood-u-shaqaystayaasha Suudaan la geeyo la marsiiyey qaybo ka mid ah dalka.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.