Somaliya iyo Hindiya oo Xoojinaya Xiriirka Laba-Geesoodka ah

by Heemaal
1 minutes read
A+A-
Reset

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta Magaalada New Delhi kulan laba-geesood ah kula yeeshay Mudane Dr. Subrahmanyam Jaishankar, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Hindiya.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Hindiya, iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, waxbarashada, iyo caafimaadka. Wasiir Cabdisalaam ayaa muujiyay mahadnaq ku aaddan taageerada joogtada ah ee ay Hindiya siiso madax-bannaanida, midnimada dhuleed, iyo xasilloonida Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyay in la sii wado wada-shaqeyn dhow iyo hirgelinta tallaabooyin wax-ku-ool ah oo lagu xaqiijinayo in iskaashigan uu isu beddelo natiijooyin la taaban karo.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.