Nin Iraani ah Oo Lagu Xiray Garoonka Diyaaradaha Los Angeles Airport Iyo Sababta

by Heemaaln
1 minutes read

Muwaadin u dhashay Iran ayaa lagu xiray garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Los Angeles International Airport, kadib markii lagu tuhmay inuu ku lug lahaa ka ganacsiga hubka, fal la sheegay inuu u fulinayay dowladda Tehran.

Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in hay’adaha ammaanka ay si dhow ula socdeen dhaqdhaqaaqiisa, iyagoo ugu dambeyn gacanta ku dhigay gudaha Los Angeles, halkaas oo su’aalo adag laga weydiinayo xiriirkiisa iyo suurtagalnimada shabakad ka ballaaran.

Dhacdadan ayaa imanaysa xilli xiisado siyaasadeed iyo amni ay ka dhex aloosan yihiin Mareykanka iyo Iran, iyadoo la filayo in baaritaannada socda ay daaha ka rogaan xog dheeraad ah oo ku saabsan kiiskan xasaasiga ah.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.