Dhawaan Abiye Ahmed, ayaa mudo xileedka u kordhiyay Madxwaynaha Tigreega, Tadase Woreda. Laakin, arrintas waxaa ka biyo diidday TPLF.
Golaha dhexe ee TPLF waxay maanta go’aamiyen in dib loo soo celiyo maamulki iyo Barlaamankii Tigreega ee lix sanno kahor la doortay. Arrintan ayaa ka dhigan in lagu laabtay halkii dagaalka Waqooyi ka bilawday. Waa in heshiiskii Pretoria burburay, islamarkaana doorashadii khilaafku ka bilawday lagu noqday. Arrintan TPLF, soo saartay ayaa u muuqata in ay doonnayan in xoog ku soo celiyaan dhulka lagu murransan yahay. Waa gambeel dagaal loo yeedhiyay.
