Argentina iyo Israel Oo Wada-galay Heshiis Cusub oo lagu Magacaabo Isaac Accord

by Heemaaln
1 minutes read

Dalalka Argentina iyo Israel ayaa wada galay heshiis cusub oo lagu magacaabo Isaac Accord ama Heshiiska Isaaq kaas oo ah mid ka farcamay heshiiska Abraham Accord.

Heshiiskan oo hindisihiisa uu lee yahay madaxweynaha Argentina Javier Milei ayaa ah mid diiradda lagu saaray xoojinta xidhiidhka dadka isku dhinaca ah taas oo lagaga hor tegayo is balaadhinta Iran iyo dalalka kale ee doonaya in ay isku xoojiyaan bariga dhexe ilaa Latin America. Sidoo kale in Daroogada si wada jir ah loola dagaallamo ayaa qayb ka ah heshiiskan.

Madaxweynaha Argentina Javier Milei iyo raysal wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa si rasmi ah heshiiskan u wada saxeexday isaga oo la sii amba qaadi doono muddooyinkii soo socda.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.