Diyaarad Agab Milatari Ka soo Qaaday Imaaraadka kuna sii Jeeday Itoobiya Oo Iska Ilaalisay Hawada Somaliya

by Heemaal
0 minutes read
A+A-
Reset

Diyaarad siday qalab milatari oo ka soo duushay Saldhigga ciidanka Cirka ee Al Dhafra ee Abu Dhabi kuna socotay Saldhigga Harar Meda ee dalka Itoobiya ayaa aad iskaga ilaalisay in ay soo gasho hawada Soomaaliya.

Diyaaraddan oo ah mid si gaar ah ugu adeegta howlaha culus iyo kuwa istiraatiijiga ah, ayaa ka leexatay hawada Soomaaliya , iyadoo beddelkeeda martay hawada Jabuuti inta ay safarka ku jirtay.

Imaaraadka ayaa hubkii uu ka dajin jirin Bosaso hada u badalay dhanka Saldhigga Harar Meda ee dalka Itoobiya si uu ugu gudbiyo Suudaan.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.