Aqoonyahan sare oo u dhashay Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in saldhigyada milatari ee Mareykanka ay noqdeen culays halkii ay ka ahaan lahaayeen hanti istiraatiiji ah, isagoo ku baaqay in dib loo eego joogitaankooda.
Abdulkhaleq Abdulla ayaa xusay in Imaaraadku uu muujiyay awood uu isku difaaci karo, gaar ahaan xilli uu wajahayo weerarro ka imanaya Iran, isagoo tilmaamay in dalka uu u baahan yahay hub casri ah halkii uu ku tiirsanaan lahaa saldhigyo shisheeye.
Warbixintu waxay sheegaysaa in Mareykanka uu ku leeyahay ugu yaraan 19 goobood oo milatari Bariga Dhexe, halka imaaraadka Carabta ay martigeliso kumannaan askari iyo saldhigga cirka ee Al Dhafra Air Base.
Hadalkan ayaa imanaya xilli xiisado milatari ay sii kordhayaan, taasoo si toos ah u saameysay amniga iyo dhaqaalaha gobolka, gaar ahaan gudaha Imaaraadka.

