Ra’iisul wasaaraha dhawaan la doortay ee Hungary,Peter Magyar ayaa maanta si cad u sheegay in haddii Netanyahu isku dayo inuu soo galo dalka Hungary inuu xiri doono.
Sidoo kale Peter Magyar ayaa xaqiijiyay inuu joojin doono qorshe kasta oo Hungary uga bixi lahayd maxkamadda ICC oo horey waaran xarig ah ugu jirtay Netanyahu.
Magyar ayaa toddobaadkii hore ku guuleystay doorashadii ka dhacday Hungary oo natiijadii ka soo baxday dhinaca kale u rogtay jihada uu dalkaa ku socday , ka dib markii doorashada looga adkaaday Viktor Orban, oo muddo dheer hoggaaminayay Hungary xiriir wanaagsana la lahaa Trump iyo Netanyahu, isagoo sidoo kalena si cad gudaha Midowga Yurub uga difaaci jiray nidaamka Netanyahu, taasoo hadda meesha ka baxday.
Waxayna hada Hungary isku rogtay meel aan Netanyahu laga dooneyn.

Screenshot
