Iiraan Oo Shaaca ka Qaaday inay Isku Diyaarisay Dagaal Waqti Dheer Qaata,

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Iiraan ayaa shaaca ka qaaday inay isku diyaarisay dagaal , iyadoo keliya saacado ay ka dhimanyihiin waqtiga dhammaadka xabbad-joojinta oo aysan jirin wax wafuud ah oo Iiraan ay u dirtay Pakistan.

Iran ayaa sabab ku sheegtay inuu Mareykanka wato shuruudo ka baxsan xadka caadiga ah ee wadahadallada oo waxa uu doonayo ay tahay inuu waqti iibsado si cadaadiska uu hoos ugu dhigo, sida ay werisey wakaaladda wararka Iiraan ee Tasnım.

Sarkaal ka tirsan ciidanka Iiraan oo la hadlay Tasnım, ayaa sidoo kale yiri; “Iiraan waxay diyaar u tahay inay abuurto xaalad aad u daran (jahannamo u eg) oo ku dhacda Mareykanka iyo Israa’iil ilbiriqsiyada ugu horreeya ee dagaal cusub uu bilowdo.”

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.