Madaxweyne Ku-xigeenka Mareykanka, JD Vance ayaa dib u dhigay safarkiisii Pakistan, maadama wada xaajoodka nabadeed ee Mareykanka iyo Iiraan uu wajahayo hubanti la’aan.
Dhanka kale Iiraan ayaa mar kale ku celisay ineysan weli go’aan ka gaadhin ka qeybgalka wada xaajoodka ay la yeelanayso Mareykanka ee ka dhici lahaa magaalada Islamabad ee Pakistan.
Iyadoo la tixraacayo jebinta xabbad-joojinta ee Maraykanka, afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Esmail Baghaei, ayaa u sheegay Iran News in ka qaybgalka wadahadalladu uusan ahayn arrinta ugu weyn, balse waxa muhiimka ahi ay tahay natiijada wadahadallada, isagoo yiri: “Haddii wadahadalladu noqdaan kuwo natiijo ku saleysan, Iiraan waxay go’aan ka gaari doontaa ka qaybgalka.”
Wuxuu carrabka ku adkeeyay in Iiraan aysan weli go’aan ka gaarin ka qaybgalka, balse uu sheegay in la sugayo sida ay arrimuhu u socdaan.
Wareysiga sidoo kale wuxuu xaqiijiyay qabashada markabka shidaalka ee Tiffany, taas oo ciidamada Maraykanku ay ku dhawaaqeen saacado ka hor, isla markaana ay sii daayeen muuqaal muujinaya ficilkaas.
