Ciidanka deegaanka Canfarta ayaa maanta saddex weerar oo saddex jiho ah ku soo qaaday galbeedka gobolka Sitti ee Beesha Ciise, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal geystay dhimasho, iyo dhaawac iyagoo sidoo kale ay Canfartu halkaasi ka qaadeen xool badan.
Weerarka koowaad ayaa subaxnimadii hore ka dhacay deegaanka Geed-Cawl, oo ku yaalla aagga Caydhiidhi oo u dhow Cundhufo, halkaas oo ka mid ahayd goobihii ay hore uga dhaceen dagaallada u dhexeeyey ciidamada Canfarta iyo kuwa DDS.
Weerarka labaad ayaa ka dhacay agagaarka Xoorri, oo ka mid ahaa goobihii ay ciidamada Canfartu horey u qabsadeen, balse markii dambe laga saaray, waxaanay Canfartu halkan ku dileen hal qof oo magaciisa ay dadka deegaanku noogu sheegeen Geele Xumad, iyadoo Canfartu ay halkaas ka kaxaysteen xoolo u badnaa Geel oo ay lahaayeen shacabka Soomaaliyeed.
Weerarka saddexaad ayaa isaguna ka dhacay aagga Dabamara, oo ku beegan Danlahelay, waxaana halkaas ka dhacay dagaal uu hal qof ku dhaawacmay, iyadoo shacabka Soomaaliyeed ay iska difaaceen duullaankii Canfarta, waxaase halkan ku dhaawacmay Cumar Faarax Waaberi oo ay xabbaddu labada gacmood ka jabisay.
Xukuumadda DDS, laamaha amniga iyo maamulka gobolka Sitti ayaan wali ka hadal weerarradan, sidoo kalena ciidanka milateriga ee halkaas ku sugan ayaan iyaguna wax war ah kasoo saarin.
