Mareykanka Oo Hor Joogsaday Weeraro ay Israel Qorsheysay Inay ku Qabsato

by Heemaaln
2 minutes read
A+A-
Reset

Dowladda Mareykanka ayaa lagu warramayaa inay joojisay qorshe ay Israa’iil ku dooneysay inay ku qaaddo weerarro ka dhan ah bartilmaameedyo ku yaalla gudaha Suuriya, iyadoo ujeeddada weerarradaasi lagu sheegay in lagu xaddidayo saameynta sii kordheysa ee Turkiga ku leeyahay dalka Suuriya.

Warbixin uu baahiyay telefishinka Israa’iil ee Channel 13 ayaa lagu sheegay in maamulka Mareykanku uu si toos ah u farageliyay qorshahaasi, si looga hortago isku dhac militari oo dhex mara Israa’iil iyo Turkiga, kuwaas oo labaduba saameyn weyn ku leh arrimaha Suuriya.

Sida wararku tilmaamayaan, Mareykanka ayaa ka walaacsan in weerar kasta oo ay Israa’iil ku qaaddo goobo la xiriira danaha Turkiga uu sababi karo xiisad cusub oo gobolka ka dhalata, taas oo sii adkeyn karta xaaladda cakiran ee Bariga Dhexe.

Warbixintu waxay sheegtay in Israa’iil ay muddooyinkii u dambeeyay si dhow ula socotay dhaqdhaqaaqyada Turkiga ee gudaha Suuriya, iyadoo ka cabsi qabta in Ankara ay sii ballaariso saameynteeda militari iyo siyaasadeed, gaar ahaan waqooyiga dalkaasi.

Dhanka kale, tani ma aha markii ugu horreysay ee Mareykanku uu joojiyo qorshe militari oo ay Israa’iil damacsanayd inay ka fuliso gudaha Suuriya.

Toddobaadkii hore, Mareykanka ayaa sidoo kale la sheegay inuu hor istaagay duqeymo ay Israa’iil ku doonaysay inay ku burburiso goobo lagu tuhunsanaa inay ku kaydsanaayeen walxo shucaac leh oo la xiriiray mashruucii nukliyeerka ee dowladdii hore ee Suuriya.

Wararka ayaa sheegaya in goobahaasi ay ku jireen haraadiga barnaamijkii nukliyeerka ee uu maamulka madaxweynihii hore ee Suuriya, Bashar Al-Assad, isku dayay inuu hirgeliyo sannadkii 2007.

Xilligaas, Suuriya ayaa lagu eedeeyay inay si qarsoodi ah u waday qorshe lagu dhisayo xarun nukliyeer ah, iyadoo la sheegay inay taageero farsamo ka helaysay khubaro iyo injineerro ka socday Kuuriyada Waqooyi.

Si kastaba ha ahaatee, Israa’iil ayaa sannadkii 2007 qaaday weerar dhinaca cirka ah oo lagu burburiyay xaruntii la tuhunsanaa in laga hirgelinayay mashruuca nukliyeerka, taas oo soo afjartay qorshahaasi.

Warbixinta Channel 13 ayaa sheegtay in Israa’iil ay mar kale isku dayday inay burburiso wixii ka haray walxaha la xiriira mashruucaasi, balse Mareykanka ayaa dhexdhexaadin sameeyay, taas oo sababtay in qorshahaasi la hakiyo.

Sidoo kale, dowladda Suuriya ayaa la sheegay inay oggolaatay in walxahaasi lagu wareejiyo Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Nukliyeerka (IAEA), si loo baaro loona hubiyo inaysan khatar ku ahayn amniga gobolka iyo kan caalamka.

Wararkan ayaa muujinaya doorka sii kordhaya ee Mareykanka ku leeyahay xakamaynta xiisadaha u dhexeeya Israa’iil iyo Turkiga, xilli ay labada dal ku loollamayaan saameynta siyaasadeed iyo tan militari ee gudaha Suuriya.

Ilaa hadda, dowladda Mareykanka, Israa’iil iyo Turkiga si rasmi ah ugama aysan hadlin warbixinta uu baahiyay telefishinka Channel 13, mana jirto war caddeynaysa in qorshayaashan militari ay si dhab ah u jireen.