Furitaanka Marinka Rafax Waxuu Qayb ka yahay Dadaallada Masar

by Heemaal
1 minutes read
A+A-
Reset

Marinka Rafax, oo ah albaabka kaliya ee ay Falastiiniyiinta Qasa uga bixi karaan kuna soo geli karaan marinka, ayaa maanta markii ugu horreysay si rasmi ah dib loogu furay tan iyo markii uu dagaalku billowday.

Telefishinka Al Qahera News, oo xiriir dhow la leh sirdoonka Masar, ayaa baahiyay in furitaanka marinka Rafax uu qayb ka yahay dadaallada Masar ee lagu fududeynayo isu-socodka dadka, isla markaana uu marinka ay ka gudbeen dufcaddii ugu horreysay ee Falastiiniyiin ah oo ka soo laabtay Masar kuna sii jeeda Qasa.

Marinkan ayaa tiro kooban oo reer Qasa ah uga gudbeen dhanka Masar, halka sidoo kale loo oggolaaday in qaar ka mid ah dadkii horey uga maqnaa Qasa intii uu dagaalku socday ay dib ugu soo laabtaan gudaha marinka.

Marinka Rafax, ayaa waxaa maamuli doona kormeerayaal ka socda Midowga Yurub iyo shaqaale Falastiini ah oo maxalli ah, halka Israa’iil ay fulin doonto hubin amni, cid kasta oo galaysa ama ka soo baxaysa.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.