Dadwaynaha Maraykanka Oo Shaki-galiyay Caafimaad Qabka Maskaxeed Ee Trump

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Daraasad laga uruuriyay dad badan oo Maraykanka ku nool ayaa muujisey walaaca ay shacabku ka qabaan firfircoonida maskaxeed iyo dabeecada Madaxweynaha 79-jirka ah ee Donald Trump kadib dhacdooyin isdaba joog ah oo xanaaq iyo hadalo kulul ah.

Dadka macluumaadka laga uruuriyay oo ay ku jireen masuuliyiin ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga ee Trump ayaa muujisey in keliya 36% ay ku qanacsan yihiin hogaaminta madaxweynaha, iyadoo dadka badankoodu ay su’aalo ka keeneen dabeecaddiisa, xilli uu socdo dagaalka Iiraan iyo muran uu la galay baadariga Pope Leo, sida lagu sheegay daraasadda cusub.

Trump ayaa cadaadis la kulmay tan iyo markii maamulkiisa iyo Israa’iil ay billaabeen dagaal ka dhan ah Iiraan bishii Feberwari, taasi oo sababtay in qiimaha shidaalka uu si weyn kor ugu kaco.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.