Booliska dalka Kenya ayaa gacanta ku soo dhigay Jebiso la tahriibinayey oo la doonayey in si qarsoodi ah loo soo geliyo dalka Kenya.Sida ay sheegtay warbaahinta TRT
Jebisadan oo dhererkeeda lagu sheegay 13 Feet, ama 4 Mitir ayaa lagu soo qariyey Saxaradda lagu guro qalabka baabuurta iyada oo laga dhigayey in uu yahay Spare Parts, waxana la soo saaray Bus ka yimi magaaladda Daara salaam ee dalka Tanzania
Booliska oo baadhis sameeyey ayaa arkay Jebisadan oo Saxaarada dhex taalla waxana raggii Bus ka masuulka ka ahaa loo taxaabay xabsiga deegaankii Jebisada lagu qabtay.
Kenya ayaa dagaal adag kula jirta dhoofinta Xamaartada iyo cayayaanka iyada oo dhow uun la qabtay rag tahriibinayey Qudhaanjo
