Wednesday, April 22, 2026

Wararkii Ugu Denbeeyay Ee Wada-hadalada Iran Iyo Maraykanka Iyo Marakiib ay Qabsatay Iran

by Heemaaln
3 minutes read
A+A-
Reset

Sida ay ku warrantay New York Post, iyada oo la eegayo suurtagalnimada in wada-hadallo ka dhacaan Islamabad 36 ilaa 72 saacadood ee soo socda, ayaa Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump waxaa uu sheegay “in ay suurtogal tahay arrintaas.”

Ilo ku sugan Islamabad ayaa sheegay in wareegga labaad ee wada-hadallada u dhexeeya Iiraan iyo Mareykanka ay ka bilaaban karaan Pakistan 26 ilaa 72 saacadood ee soo socda, taas oo la micno ah in Jimcaha ay dhici karaan wadahadalladaas.

Sida ay sheegtay weriyaha New York Post, Caitlin Doornbos, Trump iyo ilo Pakistan ku dhow ayaa sheegay in wada-hadallada ay suurtogal tahay in ay bilowdaan Jimcaha.

Warar dheeraad ah oo laga helay maraakiibta Iiraan qabatay

Markabka xamuulka ah ee Giriigga ee Epaminondas ayaa la sheegayaa in aysan qabsan ciidamada Ilaalada Kacaanka Iiraan “lagu xirin Hormuz”, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Giriigga, Giorgos Gerapetritis.

Isagoo la hadlayay CNN, Gerapetritis waxaa uu sheegay in markabka la weeraray oo uu wajahay “waxyeello weyn.” Warbaahinta Giriigga ayaa sidoo kale sheegtay in wasaaradda maraakiibta ee Giriigga ay beenisay in markabka la xayiray.

Dhowr saacadood ka hor, Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa sheegay in markabka Epaminondas iyo MSC Francesca ay “la qabteen” una weeciyeen dhanka xeebaha Iiraan, sida ay ku warratantay warbaahinta Iiraan.

Xarunta Hawlaha Ganacsiga Badaha ee UK (UK Maritime Trade Operations Centre) ayaa iyana sheegtay in markab hubeysan oo Iiraan leedahay uu ku soo dhowaaday Epaminondas, isla markaana uu rasaas furay, taas oo sababatay burbur weyn oo gaaray markabka.

Madaxweynaha Lubnaan oo ka hadlay askari Faransiis ah oo Lubnaan lagu dilay

Madaxweynaha Lubnaan Joseph Cown ayaa cambaareeyay dilka askari labaad oo Faransiis ah oo ka tirsanaa ciidamada nabad ilaalinta ee Koonfurta Lubnaan, kadib weerar lagu qaaday roondo ka tirsan Hawlgalka Ku-meelgaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Lubnaan.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa hore u shaaciyay dhimashada muwaadinkii labaad oo Faransiis ah kadib weerarkii Sabtidii dhacay. Macron ayaa weerarka ku eedeeyay kooxda Xisbullaah ee Iran taageerto, inkastoo ay Xisbullaah ay si adag u beenisay inay wax lug ah ku leedahay.

Bayaan uu soo saaray xafiiska Madaxweynaha Cown ayaa lagu sheegay in uu “mar kale cambaareeyay dhacdadaas, isla markaana uu tacsi u diray dowladda Faransiiska iyo hoggaanka UNIFIL.”

Iiraan oo dil ku fulisay nin lagu eedeyay inuu basaas u ahaa Israa’iil

Maxkamad Iiraan ah ayaa Arbacadii dil ku fulisay nin lagu eedeeyay basaasnimo hay’adda sirdoonka Israa’iil ee Mossad.

Sida laga soo xigtay warbaahinta Iiraan, ninkan ayaa ka shaqeynayay Guddiga Difaaca Dadban ee hay’ad dawladeed oo xasaasi ah, wuxuuna xiriir ballaaran la lahaa sarkaal ka tirsan Mossad.

Sidoo kale Talaadadii, Iiraan waxay dishay nin kale oo lala xiriirinayay dibadbaxyadii Janaayo, kaasoo sidoo kale lagu eedeeyay inuu xiriir la lahaa Mossad.

Iiraan waxay dishay in ka badan darsin qof tan iyo markii khilaafku bilaabmay, qaarkoodna lagu eedeeyay inay basaas u ahaayeen Israa’iil, qaar kalena waxay xiriir la lahaayeen kooxda mucaaradka ah ee Mujahedin-e-Khalq, iyo kuwa kale oo ku lug lahaa rabshadihii Janaayo.

Dhanka kale, garsoorka Iiraan ayaa Talaadadii beeniyay warar sheegaya in siddeedda haween ah dhawaan la dili doono.

Beeninta ayaa timid markii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku baaqay in la sii daayo. Wakaaladda Wararka ee Meezan oo ay maamusho garsoorka ayaa sheegtay in madaxweynaha Mareykanka uu marin habaabiyay “warar been abuur ah” oo ay faafiyeen warbaahinta “cadaawadda leh”.

Sida laga soo xigtay hay’addu, dhowr ka mid ah haweenka ayaa horey loo sii daayay halka kuwa kalena ay wajahayaan eedeymo aan lahayn ciqaab dil ah.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.