Nidaamyada difaaca hawada ee magaalada Tehran ee caasimada Iiraan ayaa la hawlgaliyay waxaana la maqlay qaraxyo. sida ay werisey wakaaladda wararka Iiraan ee Mehr.
Warbaahinta Iran ayaa sheegtay in nidaamyada difaaca cirka lagu hawlgeliyay qaybo ka mid ah bariga iyo galbeedka Iran oo ay ku jirto Tehran, iyadoo la maqlay inay la tacaalayaan bartilmaameedyo cadow ah.
Ciidanka Israa’iil ayaa sheegay inaysan wax weerar ah ku qaadin Iiraan, ka dib markii warbaahinta Iiraan ay baahisay in caasimadda Tehran laga maqlay qaraxyo sida ay baahisay warbaahinta rasmiga ah Israa’iil ee Kann.
