Saturday, April 25, 2026

Calan khaldan oo loo saaray soo dhawaynta Boqor Charleska UK ee Washington

by Heemaal
1 minutes read
A+A-
Reset

HNN: Caasimadda Mareykanka ayaa ka hor booqashada Boqor Charles si khalad ah u taagtay calamo Australian ah si ay ugu soo dhaweyso Boqorka iyaga oo u haystay kii Ingiriiska. Hadda qaladkii waa la saxay, waxaana lagu beddelay calamo Ingiriis ah.

Booqashada ayaa bilaaban doonta Isniinta, Washington D.C. waxay diyaarinaysay soo dhoweynta.

Agagaarka Aqalka Cad Jimcihii, waxaa lagu arkay calamo Australian ah oo la dhigay si loogu soo dhaweeyo boqorka.

Si kastaba ha ahaatee, khaladkaas si degdeg ah ayaa loo ogaaday loona saxay, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta magaalada caasimadda Mareykanka.

15 calan Australian ah ayaa lagu daray guud ahaan 230 calan oo la taagay. Hadda waxaa lagu beddelay calamada Boqortooyada Ingiriiska.

Boqor Charles sidoo kale waa madaxa dowladeed ee Australia, balse doorkaas waa mid astaan uun ah.

Booqashada rasmiga ah ee boqorka Ingiriiska ayaa qayb ka ah xuska 250-guurada madaxbannaanida Mareykanka, iyo sidoo kale muujinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Mareykanka iyo Boqortooyada Ingiriiska.