Saturday, April 25, 2026

“Ma-dhacayso Arinta Uu Maraykanku Doonayo In SPain Looga Saaro TATO..” RW Talyaaniga.

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga, Giorgia Meloni, ayaa sheegtay in ay aanay ahayn arrin wanaagsan wararka sheegaya in Mareykanka uu doonayo in Spain si ku-meelgaar ah looga joojiyo xubinnimada NATO.

Meloni ayaa intaa ku dartay in marka la eego dhammaan arrimaha difaaca ee jira, tiirka Yurub ee NATO uu noqdo mid dhammaystira kan Mareykanka, si ay isugu dheelli tirnaadaan awoodaha isbahaysiga.

Waxay hoosta ka xarriiqday muhiimadda iskaashiga NATO, iyadoo tilmaamtay in kala qaybsanaan dhex marta xulafada aysan dan u ahayn amniga guud ee isbahaysiga.