Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran ayaa sheegtay in Abbas Araghchi uu gaaray Muscat caasimadda dalka Cumman isagoo hoggaaminaya wafdi diblomaasiyadeed si loo falanqeeyo xaaladaha gobolka loona is dhaafsado aragtiyo
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan Abbas Araghchi ayaa inta uusan ka dhoofan Islamabad, waxuu soo saaray bayaan uu ku sheegay in ay madaxda Pakistan ay ka wada hadleen horumarradii ugu dambeeyay ee la xiriira xabbad-joojinta” u dhexeysa Iran iyo Mareykanka.
Waxaa sidoo kale lagu xusay in Araghchi uu la wadaagay aragtida iyo tixgelinta Iran ee ku saabsan sida loo soo afjaro dagaalka.
Dhan ka kale Trump ayaa wakaaladda wararka Reuters u sheegay in Iran ay “sameynayso dalab, waana inaan aragnaa sida ay noqoto”, balse weli uusan ogeyn waxa dalabkaasi yahay.
Isagoo ku hadlayay wicitaan taleefanka ah, Trump ma uusan bixin faahfaahin badan oo ku saabsan mas’uuliyiinta Iran ee uu Mareykanku la xaajoonayo, laakiin wuxuu sheegay in kooxdiisu ay la hadlayaan “dadka hadda talada haya”.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa intaas ku daray in Iran ay rabto inay wada hadal gasho oo ay sahmiso heshiis suurtagal ah, isla markaana ay qorsheyneyso inay soo bandhigto dalab looga golleeyahay in lagu xalliyo dalabaadka Mareykanka.
