Ciidanka Iiraan ayaaa sheegeen iney u diyaar garoobeen dagaal ay la galaan Mareykanka iyo ISRL hadii lasoo weeraro dalkooda.
Ciidamada qalabka sida ee Iran ayaa ku hanjabay inay ka jawaabi doonaan haddii Mareykanku sii wado xannibaadda Marinka Hormuz.
Mareykanka ayaa qabtay maraakiib dhowr ah kadib markii uu ku soo rogay xannibaad ku saabsan isu socodka maraakiibta ee galaya kana baxaya dekedaha Iran 13-kii Abriil.
Wasiirka Arrimaha Dibada Iiraan ayaa isna ku eedeeyay Mareykanka ineysan diblomaasiyadu dhab ka ahayn, xili uu Cabaas Araghchi ka tagayay Pakistan, wuxuuna kusii jeeda Caasimada Ruushka ee Moosko, halkaas oo uu kula kulmi doono Madaxweyne Putin.
Dadaaladii diblomaasiyadeed ee Pakistan ayaa u muuqda kuwo galay marxalad adag, dalabaadka Iiraan iyo Shuruudaha Mareykanka oo noqday kuwo adag ayaa sababay in Wadda-hadalada laysku mari waayo, iyadoo dhinacna uusan tanaasul muujinin.
Dhaqdhaqaaqyada ay gobolka ka wadaan Ciidamada Mareykanku iyo diyaar garowga Ciidamada Iiraan ayaa hada xaalada ka dhigaya in gobolku uu markale ka fursan doonin dagaal dhexmara Mareykanka, ISRL iyo Iiraan.
