Pakistan Oo ku Dhawaaqay In Bandawgii Laga Qaaday Aaga Hotelkii Wafdigii Iran Iyo Maraykanka.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Wasiirka Arrimaha Dibadda Pakistan, Ishaq Dar ayaa waxyar ka hor ku dhawaaqay in la qaaday xayiraadii gaadiidka ee hareeraha Hotel Serena iyo aagga cagaaran (Green Zone) ee Islamabad, ka dib muddo labo toddobaad ka badan oo hoteelkan iyo aagga ku dhow la saaray bandow, sababo la xiriira inuu hoteelkan martigeliyay wafdigii wadahadalladii lagu gaaray heshiiska xabbad-joojinta Maraykanka iyo Iran.

Go’aankan, wuxuu soo baxay saacado ka dib markii wasiirka arrimaha dibadda Iiraan, Abbas Araghchi uu dib ugu laabtay Islamabad, iyadoo warbaahinta Iiraan ay sheegtay inuu Araghchi u gudbiyay Pakistan shuruudaha kama dambeysta dhinaca Iiraan ee dagaalka lagu joojin karo.

In hadda xayiraadii iyo bandowgii laga qaaday Islamabad, taasi waxay muujinaysa inaysan dhaweyn wadahadal kale oo Pakistan ay martigelinayso oo Mareykanka iyo Iiraan ay yeelanayaan, waa suragalnimo inay burbureen iskudaygii lagu wada-hadalsiinayay labada dhinac.