Iiraan waxay sheegtay ineysan marnaba aqbalayn heshiis lagu xadiday bacariminta Uranium-ka ee barnaamijkooda nukliyeerka.
Waxayna Iiraan sheegtay iney wada xaajoodka Islamabad ku laaban doonto oo keliya, marka la buuxiyo dalabaadkan iyo shuruudahan.
1-in Iiraan loo ogolaado iney maamusho marinka Hormus.
2-in magdhow dagaal la siiyo.
3-iyo in laga qaado cunaqabateynta iyo go’doominta dekadaheeda uu Mareykanku saaray.
Iiraan waxay intaas ku dartey in arrinta nukliyeerka wakhti dambe laga wada hadli karo, laakin hada aysan rabin in lasoo hadal qaado oo lagu daro ajandaha Wadda-hadalada ka dhacaya Islamabad.
