Ciidanka Booliska Waqooyi Bari, gaar ahaan qeybta gobolka Sool, ayaa howlgal qorsheysan oo ay kaashanayeen shacabka ku soo qabtay eedeysane lagu magacaabo Farxaan Farax Shaciye, kaas oo lagu eedeeyay inuu hormuud u ahaa falal tahriibin iyo mukhallasnimo.
Sida ay sheegeen laamaha ammaanka, ninkan ayaa fududeyn jiray tahriibinta dhalinyaro ka kala imaneysay deegaanada Laascaanood iyo Buuhoodle, isagoo adeegsan jiray muuqaallo been abuur ah oo lagu muujinayo dhalinyaro lagu dhibaateynayo xeebaha Libya, gaar ahaan magaalada Benghazi, si waalidiinta looga qaado lacago madax furasho lagu sheegay.
“Eedeysanaha ayaa lagu helay inuu fududeynayay tahriibinta dhallinyarada ka kala imanaysa deegaanada Waqooyi Bari sida Laascaanood iyo Buuhoodle, isaga oo adeegsanayay muuqaallo been abuur ah si waalidiinta looga qaato lacago lagu sheegay badbaadin, iyadoo muuqaalladaas lagu duubi jiray gudaha dalka.” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Booliska.
Ciidanka Booliska ayaa soo celiyey qaar ka mid ah dhalinyaradii uu tahriibinayey iyaga oo bandhigay caddeymo lacageed oo muujinaya lacagaha laga qaaday dhalinyaradan, kuwaas oo loo marsiinayay adeegyada lacag-dirista.
Eedeysanaha ayaa ku jira gacanta Ciidanka Booliska, waxaana socota dhameystirka baarista si sharciga loo horgeeyo.
