Golaha Guurtida Somaliland oo 27 Bilood u Kordhiyay Golaha Wakiillada iyo Deegaannada, Shacabka oo Si Xooggan uga Horyimid

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Golaha Guurtida Somaliland ayaa go’aan rasmi ah ku ansixiyay muddo kordhin dhan 27 bilood oo loo sameeyay Golayaasha Deegaanka iyo Golaha Wakiillada, kadib markii ay diideen soo jeedimo kala duwan oo ka yimid xukuumadda iyo Komishanka Doorashooyinka. Soo jeedimahaas ayaa isugu jiray in muddo 10 bilood ah la kordhiyo ama in muddo furan loo oggolaado si doorashooyinka loo qabto marka ay suurtogal noqoto.

Fadhiga lagu ansixiyay go’aankan ayaa waxaa ka soo qayb galay 72 mudane, iyadoo 71 ka mid ahi ay oggolaadeen muddo kordhinta. Dastuurka Somaliland ayaa dhigaya in doorashada Golaha Guurtidu ay sannad ka dambeeyso Golaha Wakiillada marka muddo kordhin la sameeyo, taasoo ka dhigan in Guurtidu si toos ah uga faa’iidaysanayaan go’aankan oo ay iyaguna helayaan muddo dheeraad ah oo dhan 39 bilood.

Dhanka kale, warbaahinta madaxa-bannaan ayaa maanta si cad looga hor istaagay inay galaan xarunta Baarlamaanka, gaar ahaan Aqalka Golaha Guurtida oo uu ka socday kulankan muhiimka ah. Go’aankan ayaa lagu sheegay mid ay si wadajir ah u gaadheen shirguddoonnada labada gole, iyadoo loo oggolaaday oo keliya warbaahinta xukuumada inay gudaha galaan, taasoo dhalisay dhaliilo la xidhiidha hufnaanta iyo helitaanka xogta ee warbaahinta.

Muddo kordhinta ka badan tan Komishanka ayaa waxaa si xooggan u riixayay dhinacyo kala duwan oo dano gaar ah leh. Golaha Wakiillada, gaar ahaan xubno ka mid ah, ayaa u arka muddo kor dheer dheer mid siinaysa fursad siyaasadeed oo ay ku gaadhi karaan danahooda, si ay ugu dhowaadaan wakhtiga doorashada madaxtooyada, taasoo suurtogal ka dhigi karta in isbeddel lagu sameeyo jadwalka doorashooyinka mustaqbalka.