Ururka Caalamiga ah ee Gaadiidka Cirka ayaa si rasmi ah u bilaabay tijaabada nidaamka Billing and Settlement Plan (BSP) ee Soomaaliya, tallaabadaas oo la filayo inay si buuxda u dhaqan gasho dhammaadka bisha May 2026.
Nidaamkan cusub ayaa la sheegay inuu qayb weyn ka qaadan doono kobcinta waaxda duulista hawada Soomaaliya, iyadoo dowladda federaalku doonayso inay ballaariso isku xirka caalamiga ah isla markaana kor u qaaddo dhaqaalaha dalka.
Marxaladda tijaabada ah waxaa ka qayb qaadanaya afar shirkadood oo wakaaladaha safarka ah iyo dhowr diyaaradood oo dalka ka shaqeeya, kuwaas oo ay ku jirto Ethiopian Airlines, Marka nidaamka si buuxda loo furo bisha May, waxaa ka faa’iideysan doona in ka badan 300 wakaaladood oo safar iyo shirkado diyaaradeed oo ka howlgala Soomaaliya.
Nidaamka BSP waa hannaan caalami ah oo fududeeya lacagaha u dhexeeya shirkadaha diyaaradaha iyo wakaaladaha iibinta tikidhada.
Waxa uu ka shaqeeyaa dabagalka iibka tikidhada, maamulka lacagaha, iyo hagaajinta hab-maaliyadeedka shirkadaha diyaaradaha.
Sida warbixinta lagu sheegay, sannadkii 2025 BSP wuxuu maareeyay in ka badan 700 milyan oo macaamil ganacsi ah oo ka dhacay 180 waddan, iyadoo guud ahaan lacagta la helay ay gaartay 242 bilyan oo dollar.
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Xasan Nuux ayaa sheegay in Soomaaliya ay joogto xilli isbeddel weyn ku socdaan adeegyada duulista hawada, isla markaana isku xirka gudaha iyo dibadda uu laf-dhabar u yahay dib u soo kabashada dhaqaalaha iyo himilada Muqdisho loogu beddelayo xarun gaadiid oo Geeska Afrika ah.
Dhankiisa, Madaxweyne Ku-xigeenka Gobolka Afrika iyo Bariga Dhexe ee IATA Kamil Alawadhi ayaa bogaadiyay dadaalka dowladda Soomaaliya ee casriyeynta kaabeyaasha duulista hawada, isagoo xusay in adeegyada maaliyadeed ee amniga leh, hufan, isla markaana jaban ay muhiim u yihiin horumarka duulimaadyada.
