Ciidanka Booliska Oo Garoowe ku Qabtay Rag Hub kala soo Goostay Ciidanka Waqooyi Bari.

by Heemaal
1 minutes read

Ciidanka Booliska magaalada Garowe ayaa caawa gacanta ku soo dhigay labo nin oo hubeysnaa, kuwaas oo qori nooca BKM ah kala soo goostay Ciidanka Waqooyi Bari.

Ciidanka ayaa ku guuleystay inay qabtaan qoriga iyo gaariga ay wateen labadan nin, waxaana lagu xiray saldhigga bartamaha magaalada Garowe.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in iska horimaadka dhexmaray raggan hubeysnaa iyo ciidamada uu sababay khasaare nafeed, inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin inta uu la egyahay khasaaraha jira.

Saraakiisha amniga ayaa la filayaa inay saacadaha soo socda war rasmi ah ka soo saaraan dhacdadan, si loo caddeeyo khasaaraha rasmiga ah ee dhacay iyo tallaabooyinka xiga.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.