Puntland Oo Eedeyn la Yaab leh u Jeedisay Dowlada Somalia

by Heemaaln
2 minutes read
A+A-
Reset

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa eedeymo culus u jeedisay Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoo ku dhaliilay siyaasadda iyo hab-dhaqanka dowladda dhexe inay door ku leeyihiin sii kordhinta khataraha amni ee xeebaha dalka, gaar ahaan falalka burcad-badeednimada.

Mas’uuliyiinta Puntland ayaa sheegay in xaaladda amni ee badda Soomaaliya ay mar kale u muuqato mid sii xumaanaysa, taasoo walaac ku abuurtay ganacsiga iyo isu socodka maraakiibta caalamiga ah.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Puntland, Bile Qabowsade, ayaa si kulul uga hadlay arrintan, isagoo ku eedeeyay dowladda uu hoggaamiyo Hassan Sheikh Mohamud inay si dadban ugu lug leedahay abuurista xaalado amni darro oo saameynaya dowlad goboleedyada.

Wuxuu sheegay in siyaasadaha dowladda dhexe ay sababayaan qalqal amni oo sii fidaya, islamarkaana ay dhiirrigelinayaan, sida uu hadalka u dhigay, falalka argagixisada iyo burcad-badeedda.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo kooxdiisa waxay ka shaqeynayaan in ay xoogeystaan falalka argagaxisada iyo burcad-badeedda, iyagoo abuuraya xaalado amni darro oo ka jira dowladaha xubnaha ka ah federaalka,” ayuu yiri wasiir ku-xigeenka, isagoo muujiyay walaac xooggan oo ku saabsan jihada amni ee dalka.

Eedeymahan ayaa kusoo beegmaya xilli toddobaadyadii u dambeeyay la soo werinayay kororka dhaqdhaqaaqyada kooxaha burcad-badeedda Soomaalida, kuwaas oo la sheegay inay dib u bilaabeen afduubyo ka dhan ah maraakiibta ganacsiga ee maraya xeebaha Puntland iyo guud ahaan biyaha Somalia. Khubarada amniga ayaa tilmaamaya in haddii aan si wadajir ah loo xakameyn xaaladdan, ay dib u soo laaban karto khatartii burcad-badeednimada ee horey culeyska ugu keentay marin-biyoodka muhiimka ah ee Geeska Afrika.

Ilaa iyo hadda, ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo si toos ah uga jawaabaya eedeymahan, balse hadalkan ayaa la filayaa inuu sii huriyo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda dhexe iyo qaar ka mid ah dowlad goboleedyada, xilli dalka uu wajahayo caqabado amni iyo kuwo siyaasadeed oo isbiirsaday.